Somaliland oo diiday in Hargeysa laga dajiyo dhalinyaro Xabsiyada Libya laga soo dayaay

Konton dhallinyaro ah oo u dhashay Somaliland oo Shalay loo diiday in diyaaradii Siday ay Soo fadhiisato Madaarka Cigaal iyadoo Markii danbe laga dajiyey Madaarka Garowe

Shalay galab ayaa Konton dhallinyaro ah oo laga soo celiyey Dalka Liibiya una dhashay Somaliland ay diyaaradi ka soo qaaday Magaaladda Muqdisho,Diyaarada Siday dhallinyaradan ayaa Galabnimadii Shalay Waxay rabtay inay soo fadhiisato Madaarka Cigaal ee Caasimadda hargaysa.

Kontonkan dhallinayarada ah ee u dhashay Somaliland ayaa qayb ka ahaa dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo dawlada federaalka Somalia ay ka soo daysay Xabsiyo ku yaala dalka Liibiya oo Magaafayaal ku haysteen.

Hasa Yeeshee Maareeyaha Hay’ada Duulimaadyada Somaliland Mr Rodol iyo Maamulaha Madaarka Cigaal Mr Maxamed Yuusuf ayaa hor istaagay inay diyaaradaasi soo cago dhigato Madaarka Cigaal oo ay diyaar ku ahaayeen ehelada Caruurtaasi.

Maareeyaha iyo Maamulaha madaarka ayaa ku adkaystay in aanay diyaaradani soo fadhiisan Karin madaarka cigaal waxaanu Kabtanka waday diyaaradaasi u sheegay in aanu haysan Shidaal ku filan oo gaadhsiin kara inuu dib ugu noqdo Madaarka Caasimadda Somalia ee Muqdisho oo uu markii hore ka soo kicitimay sida ay warar xog ogaal ahi u sheegeen warbaahinta Waxa uu maareeyaha hay’ada duulimaadyada Somaliland iyo maamulaha madaarka cigaal u sheegeen Kabtanka waday diyaaradasi in hadii uu ku qarxayo hawada aanu soo fadhiisan Karin madaarka cigaal ee caasimadda hargaysa.

Kabtanka waday diyaaradan ay saarnaayeen Kontonka dhallinyarada ah ee u dhashay Somaliland ayaa markii danbe go’aan ku gaadhay inuu diyaarada fadhiisiyo madaarka Magaaladda Garowe iyadoon ilaa hada wax war ah laga hayn xaalada ay ku sugan yihiin dhallinyaradaasi oo intooda badan aanay xaaladooda caafimaad wanaagsanayn.

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili laba todobaad ka hor uu dagaal adagi ku dhex maray Somaliland iyo Maamul goboleedka Punt land deegaanka Tuko raq waxayna dhacdadani noqonaysaa mid fajac ku abuurtay Waalidiin badan oo shalay diyaar ku ahaa garoonka Cigaal si ay dib ula midoobaan Ubadkoodii mudada dheer ku dhibaataysnaa dalka Liibiya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com