HomeUncategorized

Ciidamada Jubba oo baaritaan ka bilaabay Xaafada Faanoole ee Kismaayo oo maanta Qarax ka dhacay

Kismaayo, October 6, 2013 - Xaafada faanoole ee magaalada Kismaayo goor maanta barqadii ah waxaa ka dhacay Qarax xoogan oo lala eegtay baabuur ka mid ah kuwa rayidka, kaas oo ka shaqayn jiray dhagaxa.

Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya tayaynta laamaha Socdaalka
Dhawr iyo todobaatan qof oo taageerayaal ah oo ku dhintay rabshado ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Port Siciid ee dalka Masar.
Dawladda federaalka oo sheegtay inay ku wajahan tahay Shabeelaha Hoose; wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo xiran.

Kismaayo, October 6, 2013 – Xaafada faanoole ee magaalada Kismaayo goor maanta barqadii ah waxaa ka dhacay Qarax xoogan oo lala eegtay baabuur ka mid ah kuwa rayidka, kaas oo ka shaqayn jiray dhagaxa iyo dhoobada guryaha lagu dhiso ee laga keeno banaanka magaalada.

3 ruux oo rayid ah oo mid yahay Darawalkii (UD) ?iska-rogada qaraxu la kacay ayaa dhaawacmay, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo cisbitalka magaalada.

Lama oga ujeedada qaraxa miino loola eegtay baabuurka Iska-rogada ah, balse wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxu meesha yaalay isla markaasna ay iska rogadu ku soo beegantay.

Ciidamada amaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa baaritaano goobta ka bilaabay, iyadoo xaafada Faanoole ee degmada Kismaayo laga dareemayo howl-galka ay wadaan ciidamada amaanka.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0