Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya tayaynta laamaha Socdaalka

Sabti, Abriil 25, 2015 (Daljir) — Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dalka Gen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa sheegay in Midowga Yurub uu ka taageerayo Soomaaliya dib u dhiska iyo tayaynta arrimaha socdaalka dalka.Generaal Gaafoow oo socdaal shaqo ku maraya dalka Norway ayaa sheegay in dowlado badan oo Yurub ah ay caawinayaan Soomaaliya si ay u tayayso arrimaha socdaalka waddanka.

“Norway kaliya maaha dalalka aan tagayno, Ingiriiska ayaan tagaynaa, Holand ayaan tagaynaa, Belgium ayaan tagaynaa , intooda waxaan kala hadlaynaa tababarada iyo dhismaha iyo qalabayn lagu sameynayo Immigration-ka” ayuu yiri Generaal Gaafoow.“Socdaalkeena waxaa qeyb ka ahaa sidii loo heli lahaa dadkii xirfadda iyo awoodda u lahaa ee ka shaqeyn lahaa Immigration-ka” ayuu sii raaciya.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com