Dawladda federaalka oo sheegtay inay ku wajahan tahay Shabeelaha Hoose; wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo xiran.

Mogadishu,Feb 15 -Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay inay ciidamadeeda ku wajahanyihiin deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose oo ay xiligaan maamulaan ururka Al-Shabaab.

Wasiir kuxigeenka warfaafinta ee dowladda faderaalka Cabdilaahi Bille Nuur oo waraysi maanata siiyay Radio Daljir , ayaa waxaa uu sheegay dagaalkii shalay ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM ay ku qaadeen saldhigayada AL-Shabaab ee ku dhow deegaanka Ceelasha Biyaha inay ku jabiyeen ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab inaysan wax khasaare ah uusan kasoo gaarin dagaaladii shalay ka dhacay duleedka Ceelasha Biyaha,isagoona intaasi raaciyay xiligaan inaysan jirin dagaal balse dagaaladii shalay ay ku xirmeen wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir ay isugu yimaadeen shirkadaha isgaarsiinka ee ka howlgala Puntland,Somaliland iyo Koonfurta Somaliya,waxaana uu tilmaamay shirka in laga soo saaray xeer ay wasaaradda warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ay ku maamulayso shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com