Dhawr iyo todobaatan qof oo taageerayaal ah oo ku dhintay rabshado ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Port Siciid ee dalka Masar.

Qahira,Feb 2 -Ugu yaraan 74 qof ayaa ku dhintay iskudhacyo dhexmaray taageeraayasha laba kooxood oo Sports ah oo ka dhisan dalka Masar,waxana rabshadahani ka dheceen magaalada Ports Siciid ee dalka Masar,halkaasi oo naadiga magaaladaasi ka dhisan ee lagu magcaabo Al-masri uu martigeliyey naadiga kale ee Al-ahli.

Tobanaan qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen iskudhacyadii ka dhacay magaalada Port ,waxana dadkaasi lagu dabiibayaa isbitaalada magaaladaasi.
Rabshadaha ayaa bilaabmay markii ay dhamaatay ciyaarta labada naadi , xilligaasi oo taageerayaasha naadiga Al-Masri ay soo galeen garoonka ,iyagoo ku hubaysan mindiyo.

Saraakiisha ayaa ka digaya in laga yaabo in qasaaruhu uu kor u kaco,iyadoo ay jiraan dhaawacyo halis oo imika la dabiibayo.

Ku xigeenka wasiirka caafimaadka ee dalka Masar oo lagu magcaabo Xisaam Sheyxa ayaa sheegaya in rabshadaha magaalada Port Siciid ay yihiin masiibadii ugu xumayd ee taariikhda sport-ga ee dalka Masar.

Maamulaha militeriga ee dalka Masar Marshal Maxamed Xuseyn Dandaawi ayaa tegay garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Qaahira si uu halkaasi ugu soo dhoweeyo ciyaartowgii naadiga Al-ahli oo magaalada Port Siciid lagaga soo qaaday diyaarad Militeri.

Mr Dandaawi ayaa sheegay in dhacdadani aanay hoos u dhigdoonin qaranka masar, waxana uu sheegay in tallaabo adag laga qaadayo kuwii ka dameeyey falkaasi.

War uu soo saaray golaha sare ee militeriga Masar ee dalkaasi maamula oo la soo geliyey bogga Interneta ee Facebook ayaa lagaga dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah,waxana warkaasi sidoo kale lagu sheegay in dowladu ay samayndoonto baadhitaan buuxa.

Weriyayaasha ka soo waramaya dalkaasi Masar ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay ka maqnaayeen garoonka ,taasina ay sahashay in masiibadu ay dhacdo.

Dadka ku xeeldheer ciyaaraha Masar ayaa sheegaya in taageerayaasha Masaaridu ay inta badan yihiin dad xamaasad badan,waxana in badan soo noqnoqonayey rabshadaha ka dhaca garoomada cayaarah ee dalkaasi.

Cabdirashiid Muuse
Daljir Boosaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com