Weerer kadhacay Jowhar

HomeWararka

Weerer kadhacay Jowhar

Hal askari oo katirsan ciidamada maamulka Hir-shabeelle ayaa ku geeriyooday, mid kallena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib weerar ka dhacay kantoroolka m

Qaado talooyinkan oo badbaadi qoyska iyo bulshada (daawo)
Wasiir Beyle oo sheegay in DFS Aysan lahan awood weyn ay uga hortagto lacagaha Al-Shabaab canshuurta u qaataan
Dab khasaare gaystay oo ka kacay kaam ku yaala Bosaaso (dhegayso)

Hal askari oo katirsan ciidamada maamulka Hir-shabeelle ayaa ku geeriyooday, mid kallena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib weerar ka dhacay kantoroolka magaalada Jowhar ee dhanka koonfureed xiga.

Kantoroolka la weeraray ayaa waxaa daris la’ ah madaxwaynaha Hirshabeelle, kuxigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka, sida dadka deegaanku sheegeen.

Weerarka ayaa waxaa iska caabiyay ciidamadii goobta joogay, lama oga khasaaraha soo gaaray dhanka Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu booqday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0