Site icon Radio Daljir

Weerer kadhacay Jowhar

Hal askari oo katirsan ciidamada maamulka Hir-shabeelle ayaa ku geeriyooday, mid kallena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib weerar ka dhacay kantoroolka magaalada Jowhar ee dhanka koonfureed xiga.

Kantoroolka la weeraray ayaa waxaa daris la’ ah madaxwaynaha Hirshabeelle, kuxigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka, sida dadka deegaanku sheegeen.

Weerarka ayaa waxaa iska caabiyay ciidamadii goobta joogay, lama oga khasaaraha soo gaaray dhanka Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu booqday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe.

 

Exit mobile version