Wasiir Beyle oo sheegay in DFS Aysan lahan awood weyn ay uga hortagto lacagaha Al-Shabaab canshuurta u qaataan

HomeWararka

Wasiir Beyle oo sheegay in DFS Aysan lahan awood weyn ay uga hortagto lacagaha Al-Shabaab canshuurta u qaataan

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay dhibaatada uu ururka Al-Shabaab ku hayo shacabka Soomaaliyeed isagoo qi

Caawa & Daljir iyo Axmed Sheekh Maxamed Tallman, Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxweyne Firdhiye: Muuse wuxuu yiri waa soo duulayaa. Alla shiikhoow faan badanaa!
Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Xilliga ay dhacayso Dorashada Qof iyo Cod ee Golayaasha Degaanka Puntland

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay dhibaatada uu ururka Al-Shabaab ku hayo shacabka Soomaaliyeed isagoo qiray in dowlada federalka waxba ka qaban weysay halista Al-Shabaab.

Wasiir Bayle oo u waramayay wargeyska Washington Post ayaa sheegay in Soomaaliya ay xaalad cabsi leh ay ku jirto.

“Dowladu ma lahan awood weyn oo ay ugaga hortago Al-Shabaab inay ganacsatada lacago canshuur ah ka qaataan, dadka u ururiya canshuurta Al-Shabaabna magaalada ayay si xor ah isaga dhex maraan.”ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka hadlayay canshuuraha ay ganacsatada Muqdisho siiyaan ururka Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka ayaa sidoo kale ka hadlay sababta ay dowladu wax ugaga qaban la’adahay ururka Al-Shabaab.

“Mashaakilku waa hal arrin oo kaliya,Al-Shabaab waa Soomaali aniga oo kale ama dadka oo dhan,waan isku muuqaal eg nahay,meel walbana waa joogaan oo way nagu dhex jiraan.”ayuu yiri Wasiir Beyle.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: