Wasiirka Gashandhiga DFS oo Saraakil tababar usoo xiray (Sawiro)

HomeWararka

Wasiirka Gashandhiga DFS oo Saraakil tababar usoo xiray (Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Somaliya Xil.Xasan Cali Maxamed “Amardambe ” Ayaa 60 Sargaal oo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalk

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo ka warbixiyeey safaro uu sanaag ku marayo (dhegayso)
Siminaar la Xiriira Doorka Warbaahintu ka Qaadan Karto Guddniinka Fircooniga ah oo Garowe ka Furmay (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amiirka iyo shacabka dalka Kuweyt gaarsiiyey dhambaalka tacsida DFS ee geeridii Amiir Sabaax

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Somaliya Xil.Xasan Cali Maxamed “Amardambe ” Ayaa 60 Sargaal oo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Saraakiishii iyo Saraakiil Xigeenadii ka Qalin jabisay Kuliyada Tababarada Ee Turki Som Waxa uu ka Sagootiyay Garoonka Diyaadaha Aden-Cadde waxaana ay ku sii jeedeen Dalka Turkiga .

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Xusay in Saraakiisha maanta Tababarka loo qaaday ay isugu jiraan Layli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen , Hogaanka Maamulka Ciidanka Xoogga Iyo Saraakiil kale oo soo qaadan doono Tababar la Xiriirka Hogaanka iyo Hagida Ciidamada Kubaandooska .

“Waxaad Matashaan Qaranka Somaliyeed Waxaa Waajib idinku ah in aadan Dayicin Fursadan oo Qaranka aad ku matashaan Dowladda ay Hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare kheyre Waxaa ka Go’an dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Dalka Waxaadna Tihiin Rajadii Dadka iyo Dalka ” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo Saraakiishan kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde

Waa Markii ugu horeysay oo ay Wasaaradda Gaashaandhigga DFS ay Tababar Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ku Dirto Dalka Turkiga Tan iyo markii uu Xilka la wareegay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Dowladda Federalka Somaliya Xil.Xasan Cali Maxamed

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: