HomeUncategorized

Wefdiga Dowladda federaalka ee Marka oo loogu baaqay in ay bedelaan maamulka shabeelaha hoose

Marka, September 4, 2013 - Waxgaradka iyo nabbadoonada kala duwan ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ka dalbaday dowladda dhexe in la bedelo maamulka KMG ah ee wakhtigan ka jira gobolkaas.

Puntland oo Kaalmo ku Aadan Duufaanada ka Dalbatay Beesha Caalamka
Dawlada Puntland oo magacawday guddi ka kooban 9 xubnood oo qaabilsan wacyigelinta bulshada.
Baahin: Axad, Jun 05, Weriye Axmed Sh. Tallman ~ Daljir ~ Bossaso. Khilaafaadka madaxda dawlada federaalka ah oo sii kordhaya & beesha caalamka ku wareersan xaalda Somaliya; Prof. Juriile ayaan ka waraysanay … M/weynaha Puntland oo walaac ka muujiyey in rabshadaha ka socda dalka Yamen ay ku soo fatahaan Puntland … ?Somaliland waxay garab buuxa siisaa kooxda Al Shabaab ee ku sugan Galgala? Dabayl, guddoomiyaha gobolka Sanaag … Puntland oo sheegtay in amniga gobolla Puntland ay wax weyni iska badaleen, uuna ka soo raynayo …

Marka, September 4, 2013 – Waxgaradka iyo nabbadoonada kala duwan ee gobolka shabeelaha hoose ayaa ka dalbaday dowladda dhexe in la bedelo maamulka KMG ah ee wakhtigan ka jira gobolkaas, cuqaasha ayaa dalbaday in maamul cusub la keeno.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud oo ku sugan degmada Marka ee xaruunta gobolka shabeelaha hoose ayaa kulan la qaatay waxgaradka iyo cuqaasha kala duwan ee deegaanka, isagoo kala hadlay xaalada amaanka ee gobolka.

Issimada gobolka ee ka qeyb-galay kulanka madaxweynaha ayaa dalbaday in la helo is bedel buuxa oo lagu sameeyo maamulka gobolka, waxay ku baaqeen in ay muhiim tahay in ay ka taashtaan aayahooda, oo iyagu keensadaan cidda u noqonaysa hugaanka gobolka.

Madaxweynaha iyo wefdiga la socda ayaa dhegeystay dalabyada odoyaasha iyo waxgaradka deegaanka, balse ilaa hadda wax jawaab ah kama aysan bixin.

Deegaano hoostaga degmada Marka ayaa dhowaan waxaa ku dagaalamay beelo wadda-degan, sidoo kale waxaa jiray eedeymo kala duwan oo loo jeedinayey maamulka gobolka shabeelaha hoose.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: