Jubbaland oo taliye u magacwday howlgalka Jubbooyinka

HomeWararka

Jubbaland oo taliye u magacwday howlgalka Jubbooyinka

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in isbedel lagu sameeyay saraakiisha horkaceysa hawlgalka ka dhanka ah ururka Al Shabaab

Sanaag: Ciidamada la dagaalanka argagaxisada iyo difaaca gobolka oo ladhisayo (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Axmed Sh Maxamed Tallman (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil (dhegayso)

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in isbedel lagu sameeyay saraakiisha horkaceysa hawlgalka ka dhanka ah ururka Al Shabaab ee ka socda gobolka Jubbada Hoose.

General Yuusuf Xasan Cusmaan Dhuumaal ayaa wuxuu sheegay in isbedel lagu sameyay saraakiisha ciidanka, islamarkaana uu qorshaha yahay sidii Shabaab looga saari lahaa degmada Jamaame oo ay kaabiga ku hayaan ciidanka dowladda iyo kua Jubbaland.

Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay Korneel Macalin Nuur in si KMG ah uu uga hawgali doono degaanada gobolka Jubbada Hoose ee ay ku sugan yihiin ururka Al Shabaab ee qorshaha uu yahay in Shabaab laga saaro.

Dhinaca kale taliyaha cusub ee la magacaabay Korneel Macalin Nuur ayaa wuxuu sheegay inay laba jibaarayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, wuxuuna shacabka ka dalbady inay la shaqeeyaan ciidamada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: