Sanaag: Ciidamada la dagaalanka argagaxisada iyo difaaca gobolka oo ladhisayo (dhegayso)

Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka socda qorshe lagu dhisayo ciidamo gaaraya kun iyo shan boqol oo askari oo ka imaanaya beelaha gobolka, kuwaasi oo u idman la dagaalanka argagaxisada iyo difaaca gobolka Sanaag iyo buuraha Cal-madow.

Odayaasha gobolka Sanaag oo ku kulmay magaalada Baran ayaa sheegay ciidamadan inay yihiin markii u horaysay oo la’ aasaaso, waxaana ay sheegeen inay ka dhalatay kadib wada hadal odayaashu ay la yeesheen madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Axmed Maxamed Fiindhe oo ka mid ah odayaasha gobolka Sanaag oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa sheegay ciidamadan inay soo xirayaan xuduudka gobolka Sanaag ee maamulka Puntland ilaa iyo Cerigaab, waxaana iminka la qoray sadexdii boqol ee ugu horaysay ee ciidamadan la qorayo.

Ciidamadan ayaa haddii lagu guulaysto waxaa ay waxbadan ka badali doonaan difaaca gobolka oo horay ciidamo tayo leh aanu uga joogin Puntland, iyagoona dhanka kalle awood u yeelan doona la dagaalanka ururka Al-shabaab oo qaybo ka mid ah buuralayda Cal-madow ee gobolka Sanaag oo ay ururka Al-shabaab isku uruursadaan inta badan iyadoo khuburada dhanka ammaanku ay rumaysanyihiin inay kasoo gudbaan dhanka Somaliland.

Hoos kadhegayso waraysiga


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Sanaag: Ciidamada la dagaalanka argagaxisada iyo difaaca gobolka oo ladhisayo (dhegayso)”

  1. Abdi Abdullahi Mohamed

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com