Wacaal darey ah: Qarax ka dhacay Muqdisho

Wacaal darey ah: Qarax ka dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Somaaliya ayaa sheegaya in goor dhawayd  Qarax xoogan uu ka dhacay meel ku dhaw Warshadda Baastada ee degmada Yaaqshiid.

Qaraxan ayaa sida uu ku soo waramayo wariyaha Daljir ee magaalada Muqdisho ahaa Miino dhulka loogu aasay Ciidamada AMISOM oo maraya wadadaasi.

Wararka ayaa  sheega in Qaraxan uu khasaare ka soo gaaray ciidamada  AMISOM .

Ma aha wax ku cusub qaraxyada noocan oo kale ah magaalada Muqdisho, waxayna  Qaraxyadan  ay dhacaan maalinkasta xiliyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isticmaalaan  wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xili maanta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada Qaraxan.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com