HomeUncategorized

Hor-cad oo maamulka ugu baaqay in la sharaxo qaabka loo joojiyey Doorashadii Puntland (Dhegeyso)

Boosaso, July 17- 2013 - Ururka Hor-cad oo ka tirsanaa ururadii siyaasadeed ee deeganada Puntland, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go?aankii Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, uu ku joojiyey doorashooyinkii.

?Wafti uu hogaaminayo wasiir al dawlaha Arrimaha Gudaha ee federaalka oo booqanaya Puntland.
Xulka Bari oo 3-1 kaga badiyey Baay & xulka J. Hoose oo rigoore ku soo baxay; Sh. Dhexe & Baay oo ku haray wareega 2-aad.
DHEGEYSO-MD Xasan*Gobolada waqooyi iyo Xamar ayaan maamul u dhisayaa*.

Boosaso, July 17- 2013 – Ururka Hor-cad ee ka tirsanaa ururadii siyaasadeed ee deeganada Puntland, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go?aankii Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, uu ?ku joojiyey doorashooyinkii golaha deegaanka ee Puntland, waxayna ku tilmaameen talaabo muhiim oo la qaaday wakhti loo baahnaa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hor-cad oo la soo gaarsiiyey Radio Daljir, ?waxaa lagu sheegay in Ururka uu taageersan yahay in la dhamaystiro nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee asxaabta badan, iyo in la sii amba qaado si horumar looga gaaro.

Ururka Hor-cad waxay sheegeen in aan lagala tashan joojinta nidaamka asxaabta badan, maadama ay ka mid ahaayeen Uraradii tartamayey ee Puntland, balse waxay taas bedelkeeda sheegeen in ay ku qanacsan yihiin go?aan kasta oo xal loo arko in ay taageersan yihiin.

Geesta kale Ururka Hor-cad oo war-saxaafadeedkooda ku cadeeyey arimo badan oo la xiriira nidaamka dimuqraadiga ah ee Puntland, iyo qorshihii lagu tartami lahaa, ?ayaa ugu dambeyntii waxay shaaciyeen in loo baahan yahay in xukuumadu ay sharaxaad dheer ka bixiso qaabka loo joojiyey doorashooyinkii golaha deegaanka.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

?

Halkaan ka dhegeyso Weriye Adna Aways oo war-bixnta diyaarisay

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: