Siyaasadda Galmudug oo karkaraysa iyo xilkaqaadis la filayo

HomeWararka

Siyaasadda Galmudug oo karkaraysa iyo xilkaqaadis la filayo

Qalalaase siyaasadeed iyo kala qaybsanaan baahsan ayaa soo foodsaaray maamulka Galmudug kaddib markii xildhibaanada maamulkaasi ay mooshin ka keeneen

Duqa Degmada Midigale, Sanaag: “Koox yar oo 13 jir u weynyahay baa taayiro gubey dhagaxaana dhigey” (dhegayso)
Ciidamo Al shabaab ka tirsan oo lagu laayey gobolka Baay
Nabadoon Yaasin Cabdisamad: “Shan bilood oo Gaalkacyo kamaqnaa waxay yirahdeen yaasin waa cararay (Daawo)

Qalalaase siyaasadeed iyo kala qaybsanaan baahsan ayaa soo foodsaaray maamulka Galmudug kaddib markii xildhibaanada maamulkaasi ay mooshin ka keeneen guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo aad uga soo horjeestay go’aankii madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada ay xiriirka ugu jareen dowladda dhexe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku tilmaamay xildhibaanada mooshinka keenay in aysan ahayn baarlamaanka saxda ah ee Galmudug.

“Ragga la leeyahay mooshin ayey keeneen, ma ahan Xildhibaano, liiskooda ma arag, sharcina ma ahan, waa dad deegaankooda jooga oo mooshin ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka,” ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Illaa 89 Xildhibaan ayaa mooshin ka keenay maalintii shalay Guddoomiye Cali Gacal Casir, waxaana mooshinkaas qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed Cali Xareed, kaas oo sheegay in mooshinka degdeg looga doodayo.

Sida la saadaalinayo haddii xilkaqaadista Guddoomiye Gacal ay fusho waxaa dabajoogi doonta xilkaqaadista Madaxweyne Kuxigeen Carrabbeey. Labadada masuul ayaa xiriir dhow oo aan daah lagu rogin la leh Villa Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna si wadajir ah uga horyimaadeen qodobadii shirka Kismaayo ee maamulada goboladu xiriirka ugu jareen DFS.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: