Tabashadda beelaha Puntland iyo xulista Golaha Wakiiladda Puntland

Tabashadda beelaha Puntland iyo xulista Golaha Wakiiladda Puntland

Iyadoo Puntland ay xiligan ku jirto dhanka Siyaasada waqti kalaguur ah ayaa deegaanada Puntland waxaa ka socda soo xulista Xildhibaanada golaha wakiilada ee dawlada Puntland kuwaasoo la jaan qaaday Xukuumada Cusub Puntland ee 2019.

Dhianaca kale Odayaasha ayaa xiligan waxay ku Hawlanyihiin soo xuliska Xildhibaanadii u matali lahaa Puntland 5 Sanno ee soo socota iyadoo shuruud lagu xiray soo xulista Xildhibaanada waxaana qodabadaasi kamid ah inuu yahay qof waxyaqaan da,diisuna aysan ka yaran 35 Sanno sida lagu qoray warqad la gaarsiiyey Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada.

Waxgaradka Puntland ee isugu jira Odayaasha iyo Isimada ayaa xiligan waxay fursad wayn u haystaan Talada deegaanada Puntland iyo qaabkii looga bixi lahaa Tabasho Badan oo xiligan ka jirta deegaanada iyo guud ahaan gobolada Dalka.

waxaa jira Beelo iyagu sheegay inay isaga baxayaan Talada Puntland hadii aan dib loo eegin Tabashooyin dhowr ah oo ay qabaan sida Beesha Laylkase oo Warmartiyeed ka soo saaray Degmooyinka Gaalkacyo iyo Garowe oo shirar isimada iyo madaxda ay kula qaateen iyo Daanwayne oo iyaguna sheegay inay cabasho qaban iyo Beelo kale.

Diwaanka Wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com