Akhriso:- Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Jigjiga iyo xaalada oo dagan maalintii labaad

HomeWararka

Akhriso:- Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Jigjiga iyo xaalada oo dagan maalintii labaad

Xaalada magaalada jigjiga ayaa ah maanta mid dagan ,kadib xiisadii ka dhalatay markii ay cidamada milatariga  la waeegeen xarumihii dowlad deegaanka I

Falaanqayn: Maxay ka dhigan tahay iscasilaadii Madaxweynihii KGS Shariif Xasan( dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Fantaastic, Daljir Qardho (dhegayso)
Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee gobalka Sool.

Xaalada magaalada jigjiga ayaa ah maanta mid dagan ,kadib xiisadii ka dhalatay markii ay cidamada milatariga  la waeegeen xarumihii dowlad deegaanka Itoobiya.

Wararka uu helayo radio daljir ayaa sheegaya  in wali ciidamada miltariga ee Itoobiya ay ku sugan yihiin magaalada iyo  xarumaha dowladda ,ayna kor kala socdaan dhaq dhaqaayada ka socda magaalada jigjiga .

Madax ka socotay dowladda fadaraalka itoobiya ayaa  maanta sogaray jig jiga ,waxayna kulamo la leeyihiin maamulka dowladd deegaanka itoobiya iyo waxgaradka gobolka.

Madaxweynaha dowladd deeganka itoobiya ayaa la sheegay in lagu cadaadinayo in uu xilka iska casili si aysan xiisada dhacday aysan u soo laban.

Xaalada ayaa ah mid dagan maalintii labaad ,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka dowladd degaanka itoobiya.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0