Falaanqayn: Maxay ka dhigan tahay iscasilaadii Madaxweynihii KGS Shariif Xasan( dhegayso)

Falaanqayn: Maxay ka dhigan tahay iscasilaadii Madaxweynihii KGS Shariif Xasan( dhegayso)

iyadoo shalay galinkii dambe uu xilkii iska casilay madaxweynihii maamulka  Koonfur Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan ,ayaa waxaa aad loo hadal hayaa sababtii ku kaliftay in uu xilka iskaga tago ,maadaama uu si wayn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya, waxaana uu ahaa Gudoomiyihii Golaha Iskaashiga .

Sidookale waxa isna xilkii iska casilay Afhayeenkii Golaha Iskaashiga mamaul goboleedyada oo dhawanaa xilkaasi loo magacaabay .

Dad badan oo isgu jira siyaasiyiin iyo qoonyahano ayaa  aragtiyo kala duwan ka bixiyay  iscasilaada Shariifka iyo halka uu culaysku uu kaga yimid.

Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada dalka  ayaa haatan  waxaa ku soo haray  Madaxweyne yaasha Puntland, Jubaland , iyo Galmudug .

Wararka ay helayso idaacada Daljir ayaa sheegaya in Madaxweyne yaasha  Jubaland , Galmudug iyo Puntland ay Qadka Telfoonka kuwada hadlen ,iyagoo ka arinsaday xaalada ku soo korortay  Golaha Iskaashiga iyo xubnihii muhiimka ahaa ee ay waayeen.

Muuse Cali Jaamac oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa radio daljir uga waramaya halka iyo Mustaqbalka uu ku dambeen doono shariifka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com