Shir lagu nabadeynayo beelo walaalo oo ka furmaya Qardho

HomeWararka

Shir lagu nabadeynayo beelo walaalo oo ka furmaya Qardho

Waxaa maanta la filayaa inuu ka furmo magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar laba beelood oo horay dagaal iyo dilal ku salaysan aanooyin ay ugu d

Gabar Laascaanood: “Ha nala ka soo gaaro oo ha na loo soo gurmado” (dhegayso)
“XAMZA MA MUDNA IN UU MEESHA SII FADHIYO MAADAAMA UUSAN CIDNA MATALIN”
Dowladda Maraykan oo ka hadashay Weraaradii sanadkan dhamaadkiisa Somaaliya ka fuliyeen

Waxaa maanta la filayaa inuu ka furmo magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar laba beelood oo horay dagaal iyo dilal ku salaysan aanooyin ay ugu dhexmareen deegaano katirsan gobolada Bari iyo Karkaar ee Puntland.

Kulankan ayaa horay waxaa gogoshiisa u dhigay Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana ka qaybgalaya nabadoono, issimo, ganacsato iyo culimaa’udiin kasoo kala jeeda beelaha dagaalamay iyo dhinacyo dhexdhexaadinaya, iyadoona Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil  Xaaji Cabdulaahi oo dhowaan lagu caana shubay degmada Carmo ee gobolka Bari.

Beelaha Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan ayaa horay ugu dagaalamay baraago ku yaala deegaano hoostaga degmada Rako raaxo ee gobolka Bari, waxaana jiray dilal dhacay oo ku salaysnaa aanooyin.

Dadka arrimaha nabadda ka faalooda ayaa qaba in dhibaatooyinka lagu joojin karro in beeluhu ay iska qabtaan oo ay wareejiyaan dadka gacan ku dhiig layaasha.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: