Shir lagu nabadeynayo beelo walaalo oo ka furmaya Qardho

HomeWararka

Shir lagu nabadeynayo beelo walaalo oo ka furmaya Qardho

Waxaa maanta la filayaa inuu ka furmo magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar laba beelood oo horay dagaal iyo dilal ku salaysan aanooyin ay ugu d

Ra’iisul Wasaar Rooble: “Musharrax gaar ah lagama aqbalayo in uu doorashada ku takri falo”
Rooble oo Guddi u saaray cabashada Waalidiinta Carruurta ka maqan yihiin
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Cumar Cabdulle Shooli

Waxaa maanta la filayaa inuu ka furmo magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar laba beelood oo horay dagaal iyo dilal ku salaysan aanooyin ay ugu dhexmareen deegaano katirsan gobolada Bari iyo Karkaar ee Puntland.

Kulankan ayaa horay waxaa gogoshiisa u dhigay Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana ka qaybgalaya nabadoono, issimo, ganacsato iyo culimaa’udiin kasoo kala jeeda beelaha dagaalamay iyo dhinacyo dhexdhexaadinaya, iyadoona Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil  Xaaji Cabdulaahi oo dhowaan lagu caana shubay degmada Carmo ee gobolka Bari.

Beelaha Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan ayaa horay ugu dagaalamay baraago ku yaala deegaano hoostaga degmada Rako raaxo ee gobolka Bari, waxaana jiray dilal dhacay oo ku salaysnaa aanooyin.

Dadka arrimaha nabadda ka faalooda ayaa qaba in dhibaatooyinka lagu joojin karro in beeluhu ay iska qabtaan oo ay wareejiyaan dadka gacan ku dhiig layaasha.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: