Taliyaha Ciidamada Howlgalinta oo booqday deegaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo (sawiro)

HomeWararka

Taliyaha Ciidamada Howlgalinta oo booqday deegaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo (sawiro)

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqasho ku tagay degaanka Baar Sanguuni oo ciid

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka China
Halista Wadada Lafa Gorayo iyo Cabshada Bulshada Gardafuu (dhegayso + sawirro)
Xujey lagu sagootiyeey Garoowe

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqasho ku tagay degaanka Baar Sanguuni oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dhawaan ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa tagay sidoo kale degaano dhowr ah oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo,kuwaasoo ay saameeyeen dagaalladii ugu dambeeyay.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid  ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka kala waregeen Al-Shabaab.

General Maxamed  Sheekh Madoowe Taliyaha ayaa duleedka Degaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgalka uu sii socon doono tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa Ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: