Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka China

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka China

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka China Amb. Fei Shengchao.

Danjiraha oo dhambaal salaan ah soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, kaas oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka China mudane Li zhanshu, ayuu safiirka xusay in dowladda China ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho oo ay siiso dalkeenna, sidoo kale waxay ballan qaadeen in Baarlamaanka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta adeegyadda muhiimka ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey doorka horumarineed ee dowladda China ay ka wado dalkeenna uu yahay mid lama ilaawaan ah, waxaana uu ku dhiira-geliyey in dedaalkaasi uu noqdo mid mira dhal ah oo mataaneeya labada dowladood.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com