Somaliland oo odayaasha Lascanood Amaro Cusub dul dhigay

HomeWararka

Somaliland oo odayaasha Lascanood Amaro Cusub dul dhigay

Madax ka tirsan Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood oo ay ku jiraan Xildhibaanada Golayaasha Somaliland ayaa wareegto ay soo saareen ku sheeg

Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxweynaha oo faray laamaha ammaanka in ay dib u habayn ku sameeyaan istaraatiijiyadda sugidda amniga caasimadda
Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid oo ku guulaystay HOP 063.

Madax ka tirsan Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood oo ay ku jiraan Xildhibaanada Golayaasha Somaliland ayaa wareegto ay soo saareen ku sheegay in shacabka Laascaanood laga mamnuucay dhammaan shirarka,Warsaxaafadeedyada iyo waxa loogu yeeray kicinta shacabka.

Wareegtada kasoo baxday Somaliland ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii Puntland go’aano kasoo saartay xaalada dagaal ee Tukaraq iyo gobolka Sool.

Guud ahaan shacabka Laascaanood ayaa laga mamnuucay in ay wax hub ah magaalada la dhexmari karaan iyadoo la sheegay in hubka loo ogolyahay ciidamada Somaliland oo keliya.

Shacabka ayaa sidoo kale qaban karin shirar gooni gokno ah ama mid guud iyadoona sidoo kalr la mamnuucay in shir jaraa’id ay qabtaan cuqaasha ama shacabka magaalada ku dhaqan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo kamid ah xubnahan wareegtada soo saaray ayaa sheegay in saxaafada aysan siideyn karin wararka ama shirarka jaraa’iid oo ay qabtaan shacabka iyo cuqaasha gobalka Sool.

Baashe ayaa si gaar ah carabka ugu dhuftay shirkii jaraa’ iid oo uu qabtay Caaqil Axmed Hoolif oo si adag uga hadlay qadiyada Sool, Sanaag iyo Cayn isagoo sheegay inaysan ka tirsaneyn Somaliland balse xoog lagu heysto shacabka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: