Madaxwayne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo kulmaya

HomeWararka

Madaxwayne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo kulmaya

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar, oo la filayo inuu kula soo kulmo Amiirka Qa

Xaaladda Baydhabo
Madaxweyne farmaajo oo si kulul uga hadlay banaanbax ka dhacay Muqdisho (Daawo)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garoowe kaga qayb galay Xuska Maalinta Beeraha (dhegayso)

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar, oo la filayo inuu kula soo kulmo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaan.

Wafdi uu horkacyo madaxwaynaha ayaa shalay gaaray wadanka Qatar, waxaana siwayn usoo dhoweeyey masuuliyiinta dalkaasi yar ee dowladaha Khaliijku ay go’aadoomiyeen.

Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa ay u noqonaysaa markii sadexaad ee uu la kulmo amiirka Qatar, tan iyo markii uu xilka ku guulaystay.

Dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay inay dhexdhexaad ka noqonayso khilaafka dowladaha Khaliijka, balse dadka dhaliilsan siyaasadda xukuumadda Farmaajo ayaa qaba inay dowladda ay ka baxday go’aankeedii dhexdhexaadnimada ee ay qaadatay, ayna si toos ah ugu go’day dowladda Qatar.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: