Iskahorimaad dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland

Iskahorimaad dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland

Hal askari ayaa ku dhaawacmay iska horimaad saakay kadhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, sida ay dadka deegaanka ay u sheegeen radio Daljir.

Iska horimaadka ayaa waxaa ku dhaawacmay hal askari oo katirsan ciidamada Puntland, iyadoo markii dambe uu istaagay rasaastii la iswaydaarsanayay.

Ciidamada labada dhinac ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay is horfadhiyay.

Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya Keating ayaa dhowaan ka sheegay Garoowe inuu ugu baaqayo maamulada Puntland iyo Somaliland inay joojiyaan colaadda Tukaraq ee labada dhinac.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com