HomeUncategorized

Bannaanbax lagu taageerayo madaxwayne Xassan Sh. Maxamuud oo ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. (Daawo Sawiro)

Caabudwaaq, Sept, 12 - Waxaa maanta magaalada Caabudwaaq ka dhacay isku soobax lagu taageerayay madxedweeynaha cususb ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan sheikh Maxamuud.

Macallim C/raxman oo u hadlay Al-shabaab oo ka hadlay qabsashada Jawhar, iyo Muqdisho oo ay dul hoganayaan daruuro colaadeed.
M/weyne Rayaale iyo labada Guddoomiye ee axsaabta mucaaradka ah oo qalinka ku duugay heshiis.
Rugta Ganacsiga & culimada diinta ee Puntland oo wada olole agab dhaqaale loogu ururinayo dadkii ku cayroobay dabkii suuqa Bossaso

Caabudwaaq, Sept, 12 – Waxaa maanta magaalada Caabudwaaq ka dhacay isku soobax lagu taageerayay madxedweeynaha cususb ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan sheikh Maxamuud.

Bannaanbaxaan ayaa waxaa kasoo qayb-galay boqolaal ka tirsan shacabka ku nool magaalada Caabudwaaq kuwasoo watay sawirada madxweeyanaha iyo halku dhigyo ay ku cabbirayeen taageerada ay shacabka Caabudwaaq u? hayaan madaxweeyanaha Xassan.

Dhinaca kale, isu-soo baxaan ayaa waxaa kasoo qayb-qaatay masuuliyiinta maamulka Ahlusunna ee degmada Caabudwaaq, kuwaasoo uu hoggaaminayay guddoomiyaha degmada Xassan Cabdi Calas ?Xassan Caabudwaaq? saraakiisha amniga, odoyaasha dhaqanka, iyo qaybaha bulshada degmada Caabudwaaq.

Iskusoo baxaan ay bulshada reer Caabudwaaq ay ku muujinayeen rabitaabka iyo taageerada ay u hayaan hoggaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ku soo idlaatay jawi-wanaagsan, waxaana bulshadu ay ku hadaaqayeen halku-dhigyo ay ka mid-tahay ?Madaxwayne nooloow, noqo kii dalka samatabixin-lahaa, waan ku garab-taaganay, IWM?.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Maxamed Salaad (M. Dheere)

Radio Daljir Caabudwaaq???????????????

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: