Puntland oo ku dhawaaqday furashada xisbiyo siyaasadeed.

Garowe, Sept, 11-Gudiga KMG ah ee ?doorshooyinka Puntland ayaa maanta si rasmiya ugu ?dhawaaqay furashada xisbiyada siyaasadeed ee Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.
?
Shir jaraa’id oo guddiga KMG ah ee doorashada Puntland ku qabteen xarunta Hay’adda PDRC ?ayaa lagu shaaciyay in muwaadiniinta reer Puntland loo fasaxay ?in ay furankaraan ururada siyaasadeed ee dalka.
?
Gudoomiyaha guddiga doorshooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre ?ayaa shirsaxaafadeed ku sheegay ?muddada diiwaan galinta ururada siyaasadeed in ay ku egtahay saddex bilood oo kaliya, Waxaana intaa uu ku daray in guddigu doorashada ay hubin doonaan ururada buuxiya sharuudaha lagu waajibiyay marka ay dhamaato waqtiga loogu talagaly isdiiwaan galinta.
?
C/Risaaq Axmed Shoole oo xubin ah guddida doorashada Puntland oo warbaahinta udul marayay sharuudaha guud ee laga rabo xisbiyada siyaaseed, ayaa sheegay ururka is diiwaan geliniya laga rabo lacag dhan $15,000 {shan iyo toban kun oo dollar} oo aan celis lahayn.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com