M/weyne Rayaale iyo labada Guddoomiye ee axsaabta mucaaradka ah oo qalinka ku duugay heshiis.

Hargeysa, Sept 30 – Hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku kala saxeexday Heshiis ka kooban 6 Qodob oo ay hore ugu soo bandhigeen Beesha Caalamku , isla markaana ay aqbaleen.

Inkasta oo Warbaahinta dalka oo dhami aanay u dhamayn Munaasibaddan oo aan lagu wada marti-qaadin, haddana Heshiiskan waxaa Xisbiyada Siyaasadda u metelayay, isla markaana iyagu saxeexay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah guddoomiyaha UDUB, Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Munaasibadda saxeexitaanka heshiiskan waxa goob joog ka ahaa Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan ee Somaliland ee Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wefti ka socda Dawladda Ingiriiska oo uu hoggaaminayo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya iyo sidoo kale Wefti ka socda Dawladda Itoobiya.

Masuuliyiinta saxeexay Heshiiskan ayaa halkaa ka hadlay, kuwaas oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, ahna Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Waxaanay dhammaantood u mahadnaqeen Beesha Caalamka.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya John Marshall iyo Madaxa anshaxa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya oo hoggaaminayay Weftiga Itoobiya. Waxaanay wax lagu farxo ku tilmaameen heshiiskan, isla markaana ay soo dhaweeyeen.

Waxa sidoo kale iyana halkaa kelmado mahadnaq ah ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye-xigeenka Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo u hadlayay Shirguddoonka Wakiilada. Kuwaas oo iyana soo dhaweeyay heshiiskan.

Hase ahaatee, Qodobada Heshiiskan ayaan laga akhriyin halkaas, balse waxa dhinacyada ay khusaysay loo qaybiyay nuqulada ay saxeexeen.

Il – somaliland.org

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com