Barakac xoogan oo kasocda Baladwayne (sawiro)

HomeWararka

Barakac xoogan oo kasocda Baladwayne (sawiro)

Xaalad adag oo dhanka nolosha ayaa ka taagan magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii fatahaad uu sameeyey wabiga Shabeelle ee ma

Madaxweyne Deni oo maamul ku-meelgaar ah u magacaabay degmada Burtinle( Akhriso)
Madaxwayne Farmaajo oo shir muhiim u ah Afrikaanka uga qaybgalaya Uganda
Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Lagu Soo dhoweeyey Qardho

Xaalad adag oo dhanka nolosha ayaa ka taagan magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii fatahaad uu sameeyey wabiga Shabeelle ee mara magaalada.

Dadka degan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada ayaa bilaabay inay barakaan, nolosha ayaa ciriiri noqotay waxaana biyaha ay galeen xaafadaha magaalada.

Dadwaynaha oo ku guuraya gaadiidka xamuulka qaada iyo kuwa dameeraha ayaa la arkayaa iyagoo agabkii guriga waxyaabihii ay awoodeen sii qaadanaya, si’ay uga baxsadaan fatahaadda wabiga uu sameeyey.

Xaalado dhanka caafimaadka ayaa laga walaacsanyahay inay kadhashaan fatahaadda wabigan uu sameeyey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: