Madaxweyne Deni oo maamul ku-meelgaar ah u magacaabay degmada Burtinle( Akhriso)

HomeWararka

Madaxweyne Deni oo maamul ku-meelgaar ah u magacaabay degmada Burtinle( Akhriso)

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-27 ee Juun, 19, 2019, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku

Tartan & Tacliin: Dugsiyadii ku tartamay iyo Natiijada cida ay raacday (Warbixin)
Waxgaradka Jubbaland oo soo dhaweyeey Beelo heshiis ku gaaray Kismaayo (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-27 ee Juun, 19, 2019, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ku meel gaarka ah ee Degmada Buurtinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada Maamulka Degmada Buurtinle.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dihaal) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Buurtinle.

2. Waxaa Maxamed Cabdixakiim Geelle si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Buurtinle.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: