Barakac xoogan oo kasocda Baladwayne (sawiro)

Barakac xoogan oo kasocda Baladwayne (sawiro)

Xaalad adag oo dhanka nolosha ayaa ka taagan magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii fatahaad uu sameeyey wabiga Shabeelle ee mara magaalada.

Dadka degan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada ayaa bilaabay inay barakaan, nolosha ayaa ciriiri noqotay waxaana biyaha ay galeen xaafadaha magaalada.

Dadwaynaha oo ku guuraya gaadiidka xamuulka qaada iyo kuwa dameeraha ayaa la arkayaa iyagoo agabkii guriga waxyaabihii ay awoodeen sii qaadanaya, si’ay uga baxsadaan fatahaadda wabiga uu sameeyey.

Xaalado dhanka caafimaadka ayaa laga walaacsanyahay inay kadhashaan fatahaadda wabigan uu sameeyey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com