Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Lagu Soo dhoweeyey Qardho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka kooban goleyaasha Dowldda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa galabta 26 November 2018 safar shaqo kusoo gaadhay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Qardho kusoo dhoweeyey maamulka gobolka karkaar, kan degmada Qardho, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, isimo, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Soo dhaweenta kadib Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Qardho waxaana hadaladiisa kamid ahaa”

“Waxaan mahadballaadhan u jeedinayaa maamulka iyo shacabka gobolka Karkaar gaar ahaan degmada Qardho soo dhoweyntooda ay marwalba nagu qaabilaan, waan ku faraxsanahay inaan idinku soo booqano waxaan halkaan u nimaadna inaan daah furno mashaariico horumarineed oo ay Dowladdu halkaan ka hirgalisey, mar labaad wad mahadsan tihiin sal mug leh ayaan isku wareysan doonaa Inshaa’Alaah”, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalamaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Qardho isla’markaana madaxweynuhu uu halkaasi xadhiga kaga jari doonaa mashaariica horumarineed oo uu kamid yahay Hospitalka Qardho.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com