RW Khayre oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo Amniga Dalka (dhegayso)

HomeWararka

RW Khayre oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo Amniga Dalka (dhegayso)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa Maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee Dalka, kaasoo a

Bangiga Amal oo Dhisme cusub ka hirgaliyeey Qardho (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed (Akhriso)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa Maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee Dalka, kaasoo ay kasoo qayb galeen xubno ka socda Beesha Caalamka.

Shirkan,ayaa Diiradda lagu saaray amniga Dalka , iyo u diyaar garoowga shirka Tobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee Dalka Belgium-ka, kaasoo looga hadli doono wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay Dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga Dalka.

Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa midoga Afrika.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: