Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Muqdisho ka daahfuray Ololaha Taakulo ee Ramadaan (dhegayso)

Guddoomiyaha Gobolka Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daahfuray Ololaha Taakulo ee bisha Ramadaan oo lagu caawinayo dadka nugul ee ku nool magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa yiri “Sida ay na farayso Shareecada Islaamka, Waxaa mar walba waajib ku ah ummadda Muslimka in ay is-kaalmeyso dhaxdeeda iyadoo gacan kaalmo la siinaayo qaybaha bulshada ee dhibaateysan. Bisha Ramadaan oo ay xilligaan nooga harsan tahay wax ka yar 3dex asbuuc, Waxaa muhiim ah in la TAAKULEEYO walaalaha Muslimiinta Soomaaliyeed ee aan awoodin helista Afurta bisha Ramadaanka.”

Sidaas darteed, Waxa uu maamulka Gobolka Benaadir isagoo kaashanaya qaybaha kala ah;

Bulsho weynta Soomaaliyeed ee 17 ka degmo ee G/Banaadir
Hey’daha dawladda ee heer fadaraal iyo Maamulka Gobolka
Ganacsatada
jamciyadaha Kheyriga ah iyo kuwa Waxbarashada sida dugsiyada iyo Jaamacadaha
Qurbo joogta Soomaaliyeed
Safaaradaha wadamada adduunka ee xarumaha ku leh Muqdisho

Waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 26-04-2018 si rasmi ah u daahfuray OLALAHA TAAKULO ee bisha Ramadaan kaa soo ujeedkiisu yahay in la abaabulo qaybaha kor ku xusan si loo kaalmeeyo bulshada qaybaheeda aan awoodin in ay helaan wax ay ku afuraan. Waxa uu maamulku qaban doonaa shirar wadatashiyo ah ee lala gali doono inta ay khuseyo iyo sidoo kale wacyigalino heer bulsho ah ee laga samayn doono dhammaan 17 ka degmo ee G/Benaadir.

Olalahaan wajigiisa 1 aad ayaa socon doono ilaa 14 ka May, 2018, halka wajigiisa 2 aadna uu bilaaban doono 20 ka May, 2018 ilaa inta laga gaarayo Ciidul Fidriga.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com