Gen. Gorod oo ka qaybgaay shir kadhacay Abuuja oo Mareykanka uu qabtay (sawiro)

HomeWararka

Gen. Gorod oo ka qaybgaay shir kadhacay Abuuja oo Mareykanka uu qabtay (sawiro)

Taliyaha Ciidamada Militariga ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay shir kadhacay magaalada Abuuja ee dalka Nigeria uu soo qabanqaabiyay Mareykanka loogana

Daad xoogan oo xalay ku soo romadagay magaalada qardho iyo Khasaaraha ka dhashay
Warar kasoo baxaya xaaladda magaalada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe
Cumar Filish: “Waa dhab cudurka Coronavirus Muqdisho waa soo gaaray, dad aan garanayo ayaa u dhintay”

Taliyaha Ciidamada Militariga ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay shir kadhacay magaalada Abuuja ee dalka Nigeria uu soo qabanqaabiyay Mareykanka loogana hadlay iskaashiga militariga Mareykanka iyo Afrika.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay taliyayaasha ciidamada militariga ee dalalka Afrika, Kaaliye ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Africa Ambassador Stephanie S. Sullivan iyo taliye ku xiggeenka Taliska Mareykanka ee Africom.

Arimaha sida gaarka diiradda loo saaray ayaa waxaa ka mid ah wada shaqayn dhexmarta taliyeyaasha ciidamada difaaca qaaradda, is dhaafsiga xogaha iyo khibradaha.

Taliyaha ciidamada militariga ee Soomaaliya ayaa sidoo kalle kulamo gaargaar ah la yeeshay saraakiishii Mareykanka ee kulanka joogay, isagoona ka codsaday inay dowladda ku taageeraan la dagaalanka Al-shabaab iyo dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: