Booliska Somaliland oo ka hadlay xariga Boqor Buurmadow (dhegayso)

Ciidamada booliska ee Somaliland ayaa xalay xabsiga dhigay boqor Cismaan Muxumed Maxamed (Buurmadow) oo ka mid ah oday dhaqameedka deegaanada Somaliland.

Boqorka ayaa xabsiga la dhigay , kadib markii uu kasoo qaybgalay shirkii caano shubka dhaqanka ee degmada Carmo ee gobolka Bari.

Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu xariga la xiriiro isagoon aan amar haysan inuu boqorku tagay Puntland iyo inuu ku hadlay erayo qaran dumis ah, waa sida uu hadalka u dhigaye, taasi oo ahayd baaq uu boqorka uu udiray Somaliland iyo Puntland inay kala qaadaan ciidamada isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com