HomeUncategorized

Maxaad ka taqaan magaalada Jabbuuti ee xarunta jamhuuriyadda Jabbuuti? (Daawo siwirada)

Djabuuti, June 18 ? Caasumada jamhuuriyadda Jabbuuti waa magaalo xeebeed muddooyinkii dambe samaysay horumar aad u wayn marka laga eego dhinacyada dhismaha, bilicda, iyo adeegyada bulshada.

Kulankii golaha wasiirada Jubbaland oo qobo muhiim ah looga hadlay.
Dood ku saabsan farqiga u dhaxeeya xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga Maraykanka (Dhagyaso)
QM oo ka digtay in badda Soomaaliya ay ka soo gudbaan kooxo Xagjiriin ah

Djabuuti, June 18 ? Caasumada jamhuuriyadda Jabbuuti waa magaalo xeebeed muddooyinkii dambe samaysay horumar aad u wayn marka laga eego dhinacyada koritaanka dhismooyinka, bilicda, iyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo fursadaha shaqo.

Magaalada Jabbuuti waa magaalo ay si wadajir ah ugu wada-dhaqanyihiin dadka reer-Jabbuuti, dad asal-ahaan kasoo jeeda dalalka carabta, itoobiyaan, iyo shacab badan oo u dhashay dalka France, inkastoo ay jiraan qoomiyado kale oo ku nool dalka Djabbuuti.

Dalka Jabbuuti inkastoo hormar badan uu dhinacyo kale duwan ka sameeyay hase ahaatee waxaa xusid mudan in caasumada Jabbuuti ay leedahay hoteelo caalami ah oo laga helo adeegyada hoteelada dalalka hormaray ee aduunka, waxaana intaasi dheer in tixgalin gaar ah bulshada Soomaaliyeed laga siiyo guud ahaanba dalka Jabbuuti.

?

\"\"

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: