Maxaad ka taqaan magaalada Jabbuuti ee xarunta jamhuuriyadda Jabbuuti? (Daawo siwirada)

Djabuuti, June 18 ? Caasumada jamhuuriyadda Jabbuuti waa magaalo xeebeed muddooyinkii dambe samaysay horumar aad u wayn marka laga eego dhinacyada koritaanka dhismooyinka, bilicda, iyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo fursadaha shaqo.

Magaalada Jabbuuti waa magaalo ay si wadajir ah ugu wada-dhaqanyihiin dadka reer-Jabbuuti, dad asal-ahaan kasoo jeeda dalalka carabta, itoobiyaan, iyo shacab badan oo u dhashay dalka France, inkastoo ay jiraan qoomiyado kale oo ku nool dalka Djabbuuti.

Dalka Jabbuuti inkastoo hormar badan uu dhinacyo kale duwan ka sameeyay hase ahaatee waxaa xusid mudan in caasumada Jabbuuti ay leedahay hoteelo caalami ah oo laga helo adeegyada hoteelada dalalka hormaray ee aduunka, waxaana intaasi dheer in tixgalin gaar ah bulshada Soomaaliyeed laga siiyo guud ahaanba dalka Jabbuuti.

?

\"\"

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com