Kulankii golaha wasiirada Jubbaland oo qobo muhiim ah looga hadlay.

Kismaayo, Aug 18 2016–Kulanka Khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta shir Gudoomiyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin.

Hindiso sharciyeedkii dhulalka ay dowladdu leedahay ee ay shacabku deganyihiin oo ay shaley baarlamaanku ansixiyeen, Waxaana goluhu ay soo dhaweeyeen Ansixinta Golaha Baarlamaanku uu meel mariyay qodobkaas waxaana ay isku raaceen

In la sameeyo guddi wacyi galin oo dadka lahadla kahor inta aan lafulinin hindisahan iyadoo Xukuumadu ay sida ugu dhaw u samayn doonto gudigaas oo shaqadooda guda gali doona kahor kulanka soo socda ee Xukuumada

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gudbisey miisaaniyadda 19ka wasaaradood iyo hay,adaha kale ee Dowladda .

Miisaaniyadii Hore ee ay meel mariyeen Baarlamaanka ayay Wasaaradda maaliyaddu ku dartay Wasaarado Cusub taas oo ka dhigaysa miisaaniyada 19 Wasaaradood oo kamid ah Xukuumada, Wasaaradaha Madaxtooyada iyo amniga ayaa kaalmaha ugu horeeya kaga jira kala saraynta miisaaniyadda.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com