HomeUncategorized

Ciidamada badda Midowga Yurub oo duqeeyay fariisimo burcadbadeedu ku leeyihiin berriga

Xarardhere, May 15 - Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa goor hore oo saaka ah weerar xagga cirka ah ku qaaday goobo la rumaysanyahay inay fariisimo ku leeyihiin kooxha burcadbadeeda xeebaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee lahaystayaal Masaari ah oo ka fakaday burcad badeed Somali ah. [Akhris …]
RW Cumar oo Sheegay in la Dhisayo Maamul ay ku Midaysan-yihiin Hiiraan iyo Sh.dhexe
Dhagayso Caawa iyo Daljir Sabti 09 April 2016 Wariye C/naasir Maxamed Cali (Studio Daljir Gaalkacyo)

Xarardhere, May 15 – Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa goor hore oo saaka ah weerar xagga cirka ah ku qaaday goobo la rumaysanyahay inay fariisimo ku leeyihiin kooxha burcadbadeeda xeebaha Soomaaliya.

Howlgalkaan oo ah kii ugu horeeyay oo laga fuliyo beriga Soomaaliya si loo soo afjarro kooxaha burcadbadeeda ayaa lagu warmayaa inay ka qaybqaateen diyaarado iyo maraakiib dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Midowga Yurub.

Bile Xuseen, oo ah sarkaal katirsan burcadbadeeda ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP weerarkan inuu ka dhacay deegaanka Xandulle oo 18-km jihada waqooyi uga beegan magaalada Xarardheere oo la rumaysanayahay inay burcadbadeedu fariisimo ku leeyihiin.

Howlgalkaan ayaa lasoo sheegayaa ilaa iyo hadda inuusan jirin khasaare nafeed oo uu gaystay hase ahaatee saraakiisha Midowga Yurub iyo dad deegaanka ayaa xaqiijiyay in doonyo burcadbadeedu adeegsanaysay in la burburiyay.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: