Wasaaradda waxbarshada ee dowladda Puntland oo kormeeraysa waxbarshada gobolada Haylaan iyo Sanaag

Baran, May 14 – Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarshada dowladda Puntland Maxamuud Maxamed Idiris iyo saraakiil katirsan wasaaradda waxbarashada oo uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaano ka mid ah gobolka Sanaag.

Wasiir kuxigeenka waxbarashada Maxamuud Maxamed Idiris oo lasoo xiriiray Radiyo Daljir ayaa tilmaamay socdaalka ay ku joogaan gobolka Sanaag inuu la xiriiro kormeero howleed oo ay ku sameynayaan waxbarashada gobolka .

Waxaa wasiirku tilmaamay inay kormeereen goobaha waxbarsho ee tuulooyinka Bali busle, Buraan, Midi gale iyo degmada Baran oo ay ku yaaliin xarumo waxbarsho oo ay ka midyihiin Dugsiyo badan iyo hal jaamacad oo lagu magacaabo Maakhir University.

Dadka deegaanka ay booqdeen ayuu sheegay wasiirku inay soo gudbiyeen baahiyo dhanka waxbarshada iyo arimaha caafimaadka la xiriirta, ayna rajaynayaan inay dib ugu celiyaan madaxda wasaaradda marka ay dib ugu laabtaan magaalada Garoowe.

Dhinaca kale, waxaa uu xusay wasiir kuxigeenka waxbarshada Maxamuud Idiris gobolka Sanaag in lagu tilmaami karo goobaha ugu horeeya ee waxbarshada, wasaaradda waxbarshada ayuu xusay inay mushaaraad siiso macalimiin badan oo ka howlgala degmooyinka iyo tuulooyinka Sanaag iyo Haylaan.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com