HomeUncategorized

Wasiir ku xigeenka ciyaaraha ee Puntland Cismaan Cawad Cali oo ku geeriyooday Muqdisho.

Caption ...

Caawa iyo Daljir, Sabti, April 20, 2013,Cabdirisaaq Cali Cabdi ‘Silver’ (Daljir Galkacyo)
Baahin: Sabti, Nov 19, Weriye Adam Shardi ~ Daljir ~ Galkacyo. James Swan, Ergayga gaarka ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somaliya oo Garowe ku sugan, shirarna la yeeshay madaxda Puntland; R/wasaare Gaas oo booqday xerada Badbaado, kuna dhaartay in aanay u dulqaadan doonin ku taki-fal gargaarka danyarta loogu tala galay; Ciidan Ethiopian ah oo u soo talaabay gobollada dhexe ee Somaliya; Ahlu-sunna oo sheegay in ciidankaasi ay iyaga ka tirsan yihiin.
Dhagayso Waxgaradka Gedo oo ka horyimid in gabar u matasho kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DF

Muqdisho, April 04 ? Alle ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cismaan Cawad Cali oo ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland sida uu Radio Daljir u xaqiijiyey wasiirka wasaaraddaasi Cabdiweli Cabdulle Indho-guran.

Wasiirka oo ku geeriyooday isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa in muddo ah la il-darnaa xanuun xagga kalyaha ka haleelay, iyadoo dhinaca kalena ay la darseen xanuunnada dhiig-karka iyo sonkarta oo iyana ka mid ah jirooyinka haliseed.

Alle ha u naxariistee mudane Cismaan Cawad Cali, ayaa naf-baxay xilli loo qalab-qaaday qalitaan xagga kaliyaha looga samayn lahaa, iyadoo sababta ugu weyn ee dhimashadiisana dhakhaatiirtu ay ku sheegeen in ay gundhig u ahayd labadiisii kaliyood oo shaqadii joojiyey.

Madaxda wasaaraddii uu ka tirsanaa iyo mas?uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Puntland ayaa ehelkiisa iyo ummadda reer Puntland uga tacsiyeey geerida rabbi ha u raxmee Cismaan Cawad Cali.

Dhimashada wasiir ku-xigeenka, ayaa ku soo beegantay xilli maanta ay magaalada Muqdisho ay ku dhinteen labadii mas?uul ee ugu sarreeyey dhinaca guddiyada caalamiga ah ee ciyaaraha Soomaaliya, kaddib markii la qarxiyey xaflad dabaaldeg warbaahineed oo ay ka qaybgalayeen.

Diiwaanka Wararka
Daljir Galkacyo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: