Dowladda Kenya oo sheegtay inay dishay 40-ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Nairobi, Apr 05 -Dowladda Kenya ayaa sheegtay dagaallo ay ciidamadeeda deegaano ka mid ah Jubooyinka iyo Gedo kula galeen ururka Al-Shabaab inay ku dileen 40- ka mid ah maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka Kenya Col Cyrus Oguna oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in saddex askari ay ciidamadooda kaga dhaawacmeen dagaalka ay la galeen ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Militeriga dalka Kenya Maj Emanuel Chirchir ayaa waxaa uu kusoo daabacay bogga uu ku leeyahay Twitterka inay dagaalada ay dowladda Kenya la gashay Al-Shabaab inay ku dhinteen 40- dagaalyahano oo katirsan ururka Al-Shabaab.

“Qasaaraha aanu gaarsiinay Al-Shabaab ee aan ognahay waxaa uu yahay dhimashada 40, 30-ka mid ah qoryaha AK 47 oo aan ka qabsnay iyo 1 Doshika 1 Pkm oo aan qabsanay” ayuu boggiisa Twitterka ku yiri Maj Emanuel Chirchir .

Afhayeenka ayaa waxaa uu intaasi ku daray inay sidoo kale howlgaladii ugu dambeeyay oo ay qaadeen ciidankooda oo kaashanaya ciidamada qaranka ee Soomaaliya inay ku dhaawacmeen 6-askari oo ka tirsan ciidamada qaranka Soomaaliya.

Hadalka dowladda Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo joogto ah ay ka socdeen deegaanka Hoosingow.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com