Madaxaha sharkadda DP World oo ka hadlay go’aankii Barlamaanka Somaaliya uu kaga mamnuucay dalka

HomeWararka

Madaxaha sharkadda DP World oo ka hadlay go’aankii Barlamaanka Somaaliya uu kaga mamnuucay dalka

Madaxaha sharkadda DPWorld ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta Suldaan bin Suleymaan ayaa waxaa uu sheegay in sharikaddiisa uusan quseyn go’aanka Ba

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad: “Waqtigii caburinta iyo cadaadiska Somaliland waa soo dhamaadey oo reer Laascaanood mar dhow waa la xoraynayaa”
Ciidamo ka Amar qaata Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo Gudaha u galay Caawa Xarunta Daljir Boosaaso
Shil gaari oo ka dhacay tuulada Shire ee gobalka Nugaal

Madaxaha sharkadda DPWorld ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta Suldaan bin Suleymaan ayaa waxaa uu sheegay in sharikaddiisa uusan quseyn go’aanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Suldaan waxaa uu sheegay in uusan garaneyn sababta Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay u qaateen go’aannada uu sheegay in ay qallafsanyihiin.

Suldaan Axmed Bin Suleymaan waxaa uu sheegay in mashaariicda Somaliland ay ka fulinayaan aysan u joogsaneyn go’aanka ka soo baxay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya shaqadooduna ka sii wadayaan degaannada Maamulka Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in sanadkan sharikadda ay dhibaatooyin badan kala kulantay Afrika sida in Dekadda Dooraale ee dalka Jabuuti laga ceyriyay halka dowladda Soomaaliyana ay sheegtay in ay ka mamnuucday Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dubai ayuu kaga hadlayay dakhliga guud ee ay sameysay DPWorld Sanadkii la soo dhaafay ee 2017kii,kaas oo muujinaya sare u kac dakhliga sharikadda ah oo gaaray 8%.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: