Ciidanka Amaanka Jubbaland oo Amaro la duldhigay

Ciidanka Amaanka Jubbaland oo Amaro la duldhigay

Magaalada Kismaayo, Waxaa kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Golaha Wasiirada Maamulka Jubaland, Waxaana kulankooda shir Gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka waxaa looga hadlay amniga deegaanada Jubaland, Dagaalada ka dhanka ah Shabaab, Isqabqabsiga dhanka dhulalka, Dagaalada Dhex mara Ciidamada ka wada tirsan Maamulka, Nolosha Barakacayaasha, Shirarka ederalka iyo Dowlad Goboleedyada, Iyadoo warbixino laga dhageystay Wasiirada.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee ka soo baxay kulankooda ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Shirar aaney ka warqabin Maamulka oo Siyaasadeed aan lagu qaban karin Magaalada Kismaayo, Cidii qabatana Sharciga la horgeyn doono.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubaland Cabdi Nuur Cali Aadan oo ka hadlayay Kulankooda ayaa sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Ciidamada sida qabiilka u abaabulan ee ku dagaalama Magaalada Kismaayo, Kuwaas oo Khasaare ka soo gaara Shacabka, Dadkana Khalkhal amni galiya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com