Ciidamo ka Amar qaata Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo Gudaha u galay Caawa Xarunta Daljir Boosaaso

HomeWararka

Ciidamo ka Amar qaata Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo Gudaha u galay Caawa Xarunta Daljir Boosaaso

Ciidamo kale oo ka amar qaata taliyaha bilayska Puntland Gen Muxiyadiin Gacamey ayaa caawa galay xarunta Daljir ee Boosaaso iyagoo hadadaad u geystey

Caawa & Daljir iyo Maxamud Cabdi Ibrahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
MADAXWEYNE MUSTAFE MUXUMED CUMAR OO KULAN LA YEESHAY SARAAKIISHA LIYUU BOOLISKA

Ciidamo kale oo ka amar qaata taliyaha bilayska Puntland Gen Muxiyadiin Gacamey ayaa caawa galay xarunta Daljir ee Boosaaso iyagoo hadadaad u geystey qaar kamid ah shaqaalaha xarunta Daljir ee Boosaaso.

Ciidamadan ayaa sheegay inay amar ka haystaan taliyaha bilayaska Puntland Gen Muxiyadiin ayna doonayaan inay xiraan agaasimaha guud ee Radio Daljir Ahmed Sh Maxamed Tallman.

Shalay ayay ahayd markii ciidamo uu soo diray taliyaha Bilayska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ay gudaha u galeen xarunta Idaacada Daljir ee Garowe xili shaqo maalmeedka caadiga ahi halkaas ka socdey.

Maamulka Warbaahinta Daljir ayaa cambaareeyey falalka ka baxsan sharciga ee ay ku kacayaan ciidamada bilayska oo loo sameeyey ilaalinta sharciga balse iyagu sharciga ku tumanaya.

“Radio Daljir xaqiiqada tebinteeda kama weecinayso handadaad iyo caga juglayn .” ayuu yiri Agaasimaha guud ee warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: