HomeUncategorized

Maamulka degmada Qardho oo ka codsaday dadwaynaha inay kala shaqeeyaan amaanka magaalada Qardho.

Caption ...

10 qof oo cudurka shubanka ugu geeriyootay degmada Qandala ee gobolka Bari.
DHEGEYSO-Hay’ada Maaraynta masiibooyinka ee HADMA oo kahadashay xaddiga abaarta.
Guddoomiyihii ururka isku-xirka ardayda Soomaaliyeed C/llaahi Mahdi Sayidka oo xalay lagu dilay Boosaaso.

Qardho,Mar 7 -Gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Qardho Maxamed Saciid Ciise Hogaama-laroor oo la hadlay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay kooxo dhalinyaro ah oo is uruursaday inay dhibaatooyin ku hayaan amaanka magaalada Qardho.

Waxaa uu sheegay dadwaynaha degmada Qardho in looga baahanyahay inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay kooxaha dhalinyarada ah ay ku hayaan amaankooda,iyadoona uu tilmaamay dowladda kaliya inaysan waxba ka qaban karrin amniga hadii aysan taagero ka helin dadweynaha.

Gudoomiye Maxamed Saciid Hogaama laroor ayaa sheegay xiligaan inay ka soconayso magaalada Qardho qaban qaabo ay ku marti gelinayso dadweyne badan oo bilaha inagu soo fool leh ugu soo xagaabaxaya magaalada,iyagoo ka imaanaya degmooyinka gobolka Bari.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu dhinaca kale ka hadlay mashruuca JPLG oo ay dhowaan degmadu ku guulaystay inay ka mid noqono degmooyinka uu ka jiro,waxaana uu kula dardaarmay dadwayanaha inay ku dadaalaan bilicda magaalada iyo hagaajinta wadooyinka degmada Qardho.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: