HomeUncategorized

Shir loogu arrinsanayo geedi socodka dimuqraadiyadda iyo taaba gelinta dastuurka Puntland oo loo qabtay bulshada raydika ee Bari iyo Karkaar

Bossaso,Mar 7 -Daladda ay ku mideysanyihiin ururada aan dowliga aheyn Puntland ee loo yaqaano PUNSA ayaa maanta u qabatay bulshada rayidka aan dowliga ahayn ee ka howlgala gobolada Bari iyo Karkaar shirwayne looga arinsanayo geedi socodka dimuqraadiyadda iyo taabba gelinta dastuurka Puntland.

Waxgaradka Caluula oo codsaday in loo sameeyo maamul Degmo.
DHEGEYSO-Maanta iyo Qardho iyo Maanka dadweynaha.
Dhagayso ciidanka booliska Gobolka Barri oo gacanta kudhigay 360 kartoo oo Khamri ah Boossaaso, October, 19, 2016 – Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa Maanta Waxa uu Magaalada Bosaaso ay kusoo Bandhigeen 360 kartoon oo Qamri ah oo ay ciidamada Booliska ay ka qabteen kantaroolka Magalada Bosaaso laga soogalo iyo Dadkii lasoday, Hadaba Saldhiga Dhaxe ee Magaalada Bosaaso Waxaa saxaafada kulahadlay oo faah faahin kabixiyay Khaamrigan iyo inta uu ka koobnaa iyo meesha laga keenayba , Taliyaha saldhiga Dhaxe ee Magalada Bosaaso yuusuf Axmed ciise Taliyaha Qaybta Booliska G/Bari C/xakiin yuusuf xuseen Gudoomiyaha G/Bari yuusuf Maxamed Wacays Dhado Waxaan Hadaladoodii kamid ahaa

Bossaso,Mar 7 -Daladda ay ku mideysanyihiin ururada aan dowliga aheyn Puntland ee loo yaqaano PUNSA ayaa maanta u qabatay bulshada rayidka aan dowliga ahayn ee ka howlgala gobolada Bari iyo Karkaar shirwayne looga arinsanayo geedi socodka dimuqraadiyadda iyo taabba gelinta dastuurka Puntland.

Gudoomiye kuxigeenka ahna kusimaha gudoomiyaha PUNSA Cabdifitaax Maxamed Sugulle oo ka hadlay shirka ayaa waxaa uu sheegay,bulshada rayidka ee kulanka loo qabtay inay ka uruurin doonaan aragtidooda ku wajahan geedi socodka dimuqraadiyadda iyo dastuurka Puntland.

Waxaa uu sheegay codadka ay ka uruurinayaan kasoo qaybgalayaasha shirkan in loo gudbin doono gudiga KMG ah ee doorashada Puntland.
Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo isaguna ka hadlay furitaanka shirka ayaa waxaa tilmaamay,inay aad u soo dhoweynayaan baahinta geedi socodka iyo dimuqraadiyadda Puntland.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay taaba gelinta geedi socodka inuu yahay midda ay xiligaan ay higsanayso dowladda Puntland,waxaana uu kula dardaarmay daladda PUNSA shirkan inuusan noqon mid danno siyaasadeed oo aan haboobeyn in laga yeesho.
Agaasimahadda daladda PUNSA Faadumo Aadan ayaa iyaduna shirka ururada aan dowliga aheyn loo qabtay ka sheegtay dardar xowli ah inuu ku socdo geedi socodka iyo taaba gelinta dastuurka Puntland.

Waxaa sidoo kale ay tilmaamtay dastuurka Puntland in aftida loo qaadi doono dhamaadka bisha sadexaad ee soo fool leh,iyadoona ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland looga baahanyahay inay muujiyaan kaalintooda bulsho.

Shirka ayaa la filayaa inuu socdo laba maalmood,waxaana la isla gofeyn doonaa taladda ay bulshada rayidku ay ka bixinayaan nooca dimuqraadiyad ay qaadanayso Puntland.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: