Shir Kampala uga furmaya Madaxda Dalalka Ay Ciidamada Ka Joogaan Soomaaliya

HomeWararka

Shir Kampala uga furmaya Madaxda Dalalka Ay Ciidamada Ka Joogaan Soomaaliya

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 2-bisha March 2018,waxaa ka furmaya shir fursad u siinaya in laga xa

CAAWA & DALJIR | CABDINASIR JEKY | DALJIR GAALKACYO
Dhismaha Darbiga Kenya ee Beledxaawo oo la joojiyay
Keenna dhiirran ee hal abuurka leh aan garab istaagno, Waxaa qortay Nasro Sabbag

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 2-bisha March 2018,waxaa ka furmaya shir fursad u siinaya in laga xaajooda Xaaladda haatan ka taagan Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda ayaa lagu sheegay in Shirka ay isugu imaanaya madaxda Dowladaha ay Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda H.E. Yoweri Kaguta Museveni,ayaa marti-gelin doona shirka oo beri furmaya,waxaana la filayaa iney ka qeyb galaan madax heerkeedu sareeyo,sida Wakiilo ka socda Guddiga Midowga Africa,Xubno ka socda Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Xubno ka kala socda Gobolka iyo Ururo caalami ah iyo Wakiilo metalaya shanta xubin ee joogtada ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: