Keenna dhiirran ee hal abuurka leh aan garab istaagno, Waxaa qortay Nasro Sabbag

Weriye Mohamad Hassan Dhalo wuxuu mudanyahay hambalyayn iyo bogaadin shaqada saxaafadeed oo uu hayo awgeed, si uu hore ugu sii socdo.
Waa shaqsi aan ka dheehday hal abuur, curin iyo hab tebineed aad u qurxan, waxaan daawaday barnaamijyo dhowr ah oo uu ka sameeyey meelo badan oo Dalka ka mida.

Barnaamijyada horumarineed ee uu sameeyana waa kuwo dadku u baahnaayeen inay ogaadaan, maxamed wuxuu meel iska dhigay barnaamijyadii dhiilada, colaadaha, iyo dhacdooyinka xun xun xambaarsanaa dhegahana u darnaa iyo wararka siyaasadda dhinac ay u socoto aan la aqoon ee inta badan weriyayaashu tebiyaa

Keenna dhiirran ee hal abuurka leh aan garab istaagno ugu yaraan usheegno inuu shaqo wanaagsan hayo..
Guuleyso jaalle👏👏


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com